Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa xasuuqyo wuxuusnimo ah saacadihii lasoo dhaafay ka geystay marinka Qazza kuwaas oo shuhado iyo dhaawac ku noqdeen Tobanaan ruux oo rayid aan waxba galabsanin ah.
Masaadir dhanka caafimaadka ah oo ku sugan jiidda Qazza ayaa shaaca ka qaaday, in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay marinka Qazza ku shahiideen 136 qof oo rayida ah, kuwaas oo ku shahiiday duqeymaha ay Yahuuddu ka waddo min Koonfur, bartamaha, illaa Waqooyiga xayndaabka go’doonsan ee Qazza marka laga reebo saddex carruur ah oo u dhintay nafaqo darro.
Deegaannada ay Yahuuddu beegsatay isla markaana ay ku shahiideen dadka ugu badan waxaa kamida magaalooyinka Qazza, Rafax, Khaan Yuunis, deegaanka Al-Mawaasi ee dhaca galbeedka magaaladaas iyo magaalada Az-Zawaayidah ee bartamaha Marinka Qazza.
Magaalada Qazza iyo deegaannada hoostaga oo kaliya waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku shahiiday dad gaaraya 40 Qof oo rayid ah, kuwaas oo ku baxay duqeymo ay Yahuuddu ka fulisayay xaafadaha iyo deegaannada u dhaw magaalada Qazza oo ah tan ugu wayn magaalooyinka ku yaalla Marinka Qazza.
Magaalada Rafax ee Koonfurta Marinka Qazza, waxaa ku shahiiday 32 qof oo rayid ah, kadib markii ciidamada Yahuudda ay rasaas ku fureen dad gaajaysan oo isugu soo baxay waqooyiga magaaladaas.
21 qof oo rayid ah oo ay ku jireen carruur ayaa sidoo kale ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamada gumeystaha Yahuuddu ay duqeeyeen teendhooyin ay degenaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis.
Bartamaha Marinka Qazza, waxaa lagu soo waramayaa, inay 11 qof oo rayid ah ku shahiideen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada gumeystaha ay duqeeyeen guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Az-Zawaayidah ee Bartamaha Marinka Qazza.
Waqooyiga Marinka Qazza, diyaaradaha gumaystaha Yahuudda ayaa duqeymo la beegsaday magaalooyinka Bayt Laahiyah, magaalada Jabaliya, mukhayyamka Jabaliya, iyo sidoo kale deegaanno hoostaga Bayt Laahiyah. Wadarta guud ee dadka ku shahiiday duqeymahaas ayaana gaaraya 13 qof oo rayid ah, sida ay ku warameen warbaahinnada Falastiiniyiinta.
Kayyaanka Yahuudda ayaa u muuqda mid xasuuqiisa kusii karaar qaadanaya, ka hor inta uusan dhaqan galin heshiiska xabad-joojinta ee Marinka Qazza, kaas oo wada-hadalladiisa ay ka socdaan waddan Qadhar.