Monday, July 21, 2025
HomeUncategorizedKu Dhawaad 30 Askari oo Lagu Dilay Weeraro Culus oo Ka Dhacay...

Ku Dhawaad 30 Askari oo Lagu Dilay Weeraro Culus oo Ka Dhacay Dalalka Burkiina-Faso, Maali & Niger.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa fuliyay weerarro culus, kuwaas oo lagu naafeeyay askarta dalalka Saaxilka Afrika. Hawgallo isdaba joog ah, weerarro dhabo gal ah iyo kuwo naf-hurnimo ah ayay jihaadiyiintu mudooyinkii u damabeeyay ku ekeeyeen xarumaha cidamada Burkiina-Faaso, Maali iyo Niijer.

Hawgalada mujaahidiinta oo taxan laga bilaabo galbeedka dalka Maali illaa bariga dalka Niijar ayay jihaadiyiintu Weerarka ugu culus ku bartilmaameedsadeen kolonyo ciidan oo isugu jiray askarta Maali iyo kuwa Ruushiyaanka ah ee ku sugan dalkaas, kuwaas oo marayay deegaanka lagu magacaabo Agelhuk ee gobolka Kidaal. Ciidamadan ayaa khasaare culus la gaarsiiyay kaddib markii ay la kacday miino loogu diyaariyay wadada.

Weerar kale oo dhaliyay khasaare xooggan ayaa sidoo kale ka dhacay isla dalkaas, waxayna mujaahdiintu madaafiic ku garaaceen, mid kamida garoomada diyaaradaha ee dalka Maali, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dawladda, wallow aan la shaacin tirada rasmiga ah ee goobta ku dhimatay, Waxaase muuqata in weerarkan uu si toos ah u beegsaday saldhig muhiim ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa xulafada la ah ee shisheeye.

Isla maalintaas, milatariga Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa sheegtay masuuliyadda laba weerar oo is barbar socda oo ka dhacay dalka Burkiina-Faaso. Weerarka koowaad ayaa si gaara uga dhacay deegaanka Barseri ee gobolka Diidooqho, waxaana goobtaas la dhigay illaa 7 askari oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka gacansaarka la leh. Waxay sidoo kale mujaahidiintu gacanta ku dhigeen hub, mootooyin dagaal iyo rasaas xooggan. Weerarka labaad ayaa isna ka dhacay deegaanka Kiya ee gobolka Yagha, halkaas oo lagu dilay illaa 3 askari.

Dhinaca kale, wararka naga soo gaaraya dalka Niijer ee xuduud beenaadka la leh dalka Maali ayaa xaqiijinaya in ay jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ka fuliyeen weerar culus oo lala beegsaday kolonyo ciidan oo marayay inta u dhexeysa magaalooyinka Dodo iyo Kurdo ee gobolka Dosso. War kooban oo kasoo baxay Jihaadiyiinta ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka Niijer, iyada oo ay mujaahdiintu gacanta ku dhigeen qoryo daba-jeeexyo ah iyo agab kale oo milatari.

Sidoo kale, isla dalka Burkiina-Faaso gaar ahaan gobolka Kulbileegho ee dalka Burkiina-Faaso ayaa sheegaya, in ciidamada mujaahdiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baghamusso. Weerarkan oo dhacay maalintii Jimcaha ahayd, ayaa sababay khasaare xoog leh oo gaaray ciidamada dowladda, inta la xaqiijiyay waxaa ku nafwaayay 10 askari oo ka tirsan milatariga dalkaas. Waxayna mujaahidiintu gacanta ku dhigeen hub isugu jira 4 qori oo nooca daba-jeexyada ah, 5 qori oo Ak-47 ah iyo 11 bastooladood, waxaa intaas dheer in ay jihaadiyiintu gacanta ku dhigeen diyaarad Daroon ah, sidoo kalana ay burburiyeen gaari ciidan oo ay lahaayeen ciidamada dowladda.

Xaalada amni ee xukuumadaha dalalka Saaxilka ayaa kasii daraysa, iyada oo ay jihaadiyiintu adeegsanayaan istiraatijiyad dagaal oo xeeldheer. Xukuumadaha gobolka ayaana u muuqda kuwo sii daciifaya, taagna aan u hayn inay ka hortagaan awooda sii kordhaysa ee jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, waxaana isasoo taraya baaqyada kasoo baxaya dawladaha shisheeye ee ku aadan burburka soo food saaray nidaamyadii ay taban taabinayeen ee gacanta ku hayay dalalka Saaxilka Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.