Maamulka ku dhaqanka Shareecada Islaamka gobolka Gedo ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa ku guuleystay inuu soo afjaro colaad u dhexeysay saddex beelood oo walaalo ah, kuwaasoo ku dagaallamayay degmada Luuq ee gobolkaas.
Munaasabad ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen dhinacyada dagaallamay, masuuliyiinta ugu sareysa wilaayada Gedo iyo waxgarad kale ayaa ka dhacday gobolka, waxaana saddexda beelood ay qaateen sulxi iyo heshiis nabadeed.