Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsWeeraro ka Dhan ah Askarta Dowladda Fedaraalka oo ka Dhacay Gedo &...

Weeraro ka Dhan ah Askarta Dowladda Fedaraalka oo ka Dhacay Gedo & Sh-hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay iyo saakay waxa ay fuliyeen weerar ka dhan ah askarta Dowladda Fedaraalka oo ka kala dhacay goballada Gedo iyo Sh-hoose.

Haddaa ku horreyno gobalka Gedo, ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa shalay markale isku dayay iney weerar kusoo qaadaan deegaanka Buusaar ee hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, waxaana weerar kahortag ah lagaga dilay 1 askari, halka kuwii kale ay firxadeen.

Kuwii firxadka ahaa ayaa saakay markale waxaa lagu helay deegaan lagu magacaabo Daanyer-fuulka oo hoostaga Ceelwaaq, waxayna ka carareen 1 qori oo AK-47 ah.

Geesta kale Xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaal ku qaadeen, askarta Dowladda Fedaraalka ee saldhigga ku leh degaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.