Xiisadda udhexeysa Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland ayaa markaan isku badashay gacan ka hadal, waxaana maamlka uu hogaamiyo Axmed Mdoobe uu sheegay iney weerar ku qaadeen, diyaarad nuuca dagaalka ah oo isku dayday iney ka degto deegaanka Raaskambooni ee Jubada-hoose.
War kasoo baxay maaamulka la baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay, in ay weerareen diyaarad sahay usiday ciidanka Dowladda Fedaraalka ay geysay deegaanka Raaskambooni.
Lidka diyaaradaha ayay sheegeen iney u adeegsadeen diyaaraddaan, ayna uga baxsatay si dirqi ah, iyadoo ka laabatay qorshaheheedii ahaa iney ka degto Raaskambooni sida lagu sheegay warka kasoo baxay maamulka Jubbaland.
Waxay sidoo kale tilmaameen in ciidankoodu ay fariisimo ka sameysteen meel aan sidaa uga fogeyn garoonka Raaskambooni, ayna ka go’an tahay soo afjaridda askarta ay Dowladda Fedaraalka geysay deegaankaas.