Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsXasan Sheekh oo Afka Furtay Kana Hadley Xiisadda Kala Dhaxeysa Axmed Madoobe.

Xasan Sheekh oo Afka Furtay Kana Hadley Xiisadda Kala Dhaxeysa Axmed Madoobe.

Sidaba lagu yaqiinay Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu maalintii shalay oo Jimco aheyd kasoo hadlay, mowlaca ay ka dhex sameysteen xarunta madaxtooyada ee Dowladda Fedaraalka, halkaas oo uu had iyo jeer kasoo muuqado xilliyada uu galayo dagaallada siyaaasiga ah.

Kuhbad socaneyso in ka badan 30 daqiiqo oo uu ujeediyay masuuliyiinta iyo saraakiisha katirsan Dowladda Fedaraalka ee kula sugnaa mowlaca ayuu xasan kaga hadlay, xiisadda siyaasadeed ee dowladdiisa kala dhaxeyso maamulka la baxay Jubbaland.

Shirkii fashilmay ee ka dhacay magaalada Muqdisho una dhexeeyay madaxda maamul gobaleedyada iyo Dowladda Fedaraalka ayuu sheegay, in Axmed Mdoobe ay ku qancin waayeen iney si wada jir ah usoo gabagabeeyaan shirkaas, si looga baaqsado buu yiri wararka sheegayay in uu shirku fashilmay, balse uu ka diiday arrinkaas Axmed Madoobe, uuna isaga tagay magaalada Muqdisho.

Intaas ugamey harina waxa uu sheegay iney la xiriireen oo ay usheegeen in uu soo laabto, ama Dowladda Fedaraalka oo dhan iyo madaxda maamul gobaleedyada ay ugu tagayaan magaalada Kismaayo, si ay uga sii doodaan arrimaha ay isku heysteen, balse uu Axmed markale gaashaanka udaruuray labadaas arrin, ugu dambeynna uu taleefannada ku dhageystay.

Waxa uu tilmaamay in Axmed Madoobe uu yahay nin baal maray qaanuunka iyaga degsan, islamarkaana aysan suuragal aheyn inuu sii ahaado hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland.

Waxa uu Axmed ku eedeeyay in uu ciidanka kasoo saaray furumihii dagaalka ee gobalka Jubada-hoose, si ay ula dagaallamaan ciidamada Dowladda Fedaraalka ay geystay deegaanka Raaskambooni.

Hadalka kasoo yeeray Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya iyadoo ay faraha kasii baxeyso xiisadda udhexeysa Dowladda Fedaeaalka iyo maamulka la baxay Jubbaland, waxaana iminka ay umuuqataa in arrintu ay gacan ka hadal isku badashay, iyadoona ay suuragal tahay in xilli waliba uu dagaal ka dhex qarxo labada dhinac, maadaama ay ciidanku is hor fadhiyaan madaxduna ay jeedinayaan hadallo sii hurinaya colaadda.

Halkaan ka Degso Warka Xasan Sheekh

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.