Xukuumadda Ukraine ee dagaalka kula jirta Dowladda Ruushka ayaa sheegtay, iney ka dambeysay dilka Sarkaal sare oo maalintii shalay qarax lagu beegsaday gudaha caasimadda Ruushka ee Mooskoow.
Genaraalka la dilay ayaa ahaa Taliyaha Ciidanka kahortagga hubka Kiimikida iyo Bayaloojiga ee Ruushka, waxaana la dhintay sidan aan horay usoo sheegnayba qof istaaf u ahaa.
Sawir laga soo qaaday meydadkooda ayaa muujinaya iyagoo dhiig ka qubayo afka cidda kula jira.
Xukuumadda Mooskoow ayaa weerarkan ku tilmaamtay inuu ahaa isku day cabsi gelin oo fashilmay.
Wakaaladda warar ee Reuters oo soo xigneysa il-wareed katirsan jihaazka amniga Ukraine ayaa sheegtay, in sirdoonka Ukraine ay fuliyeen howlgalkan gaar ah ee sababy dilka Ganaraalka Iiqoor Kiriloof.
War kaas la macno ah ayey wakaaladda France Presse kasoo xigtay Jihaazka amniga Ukraine, waxayna xukuumadda Kiyv ku tilmaamtay weerarkan mid ay ugu aargudayeen dadkooda la laayay.