Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsNidaamkii Burburay ee Bashaar Al-Asad oo la Ogaaday Halka uu Dhaqaalaha ka...

Nidaamkii Burburay ee Bashaar Al-Asad oo la Ogaaday Halka uu Dhaqaalaha ka Helijiray.

Wargeyska Wall Street Journal ee kasoo baxa dalka Mareykanka kana faallooda arrimaha dhaqaalaha, ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo, hoos udhaca ku yimid ka ganacsiga daroogada ee Bariga Dhexe kadib burburintii ishii ugu weyneyd ee dhoofinta mukhaadaraadka oo ahaa nidaamkii bashaar ee talada Suuriya laga Tuuray.

Wargeyska ayaa sheegay in kadib dhicitaankii Bashaar Al-Asad la afgembiyay shabakadihii ugu waa weeynaa ka ganacsiga daroogada ee mandiqadda Bariga Dhexe, waxaana ogaaday kaalintii uu nidaamka Nuseyriyadu ku lahaa dhibaatooyin bulsho oo ka dhacay Bariga Dhexe taasoo ay ugu wacneyd, sameynta iyo dhoofinta kaniini daroogo ah oo uu kasoo saarijriay wadanka Suuriya.

Daroogada kabtagoon ayaa ahayd midda ugu badan ee uu  soo saarijiray nidaamka Nuseyriyada, islamarkaana ka sameeyay dhaqaalihii uu noolaa sanado badan, maadaama cuna qabateyn caalami ah saarneyd.

Waxaa suuqa ka ganacsiga daroogada kula jiray malleeshiyaadka ururka isku magacaabay Xisbullaah ee Shiiciga ah oo ay xulafo dhow ahaayeen.

Kooxaha kacdoon wadayaasha ayaa markii ay la wareegeen dalka Suuriya soo bandhigay meelihii lagu sameynjiray daroogada, waxaana dad badan fajacisa ku noqotay jaraa’imta waa weyn ee uu faraha kul jiray nidaamkii Shiiciga ahaa ee xukunka laga qabsaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.