Weerarkan toogashada ah ayaa maalintii Isniinta ee aynu soo dhaafnay ka dhacay, iskuul ay leeyihiin dadka Nasaarada ah oo ku yaalla magaalada Madison ee gobolka Wiskoonsin oo katirsan wadanka Mareykanka.
Toogashada waxaa lagu eedeeyay iney fulisay gabar 15 jir ahayd waxayna si gaar ah kaga dhacday fasalka 2-aad ee dugsiga hoose, iyadoo ay halkaasi ku dhinteen macallin iyo arday, qaar kalena ay dhaawacmeen.
Gabadha lagu eedeeyay dilka labada ruux ayaa iyada lafteedu xabad isku dhuftay, waxaana goobta laga qaaday iyadoo dhaawac ah, kolkaasoo ay ku dhimatay wadada inta isbitaalka loo sii waday.
Madarasadan dilku ka dhacay ayaa waxaa dhigta 400 arday, arrintanna ma ahan wax ugub ku ah dalka Mareykanka, toogashooyinka ka dhacaya iskuullada ayaana xarkaha goostay.