Taafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar madaafiic ah oo shalay lagu qaaday, xerada ay askarta maamulka la baxay Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Buulo-xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.
Waxaa weerarkaasi lagu dilay 1 askari oo kamid ah ciidankii ku sugnaa xerada, halka lagu dhaawacay 7 kale.
Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay weerar ku qaadeen, xerada Baraxoow ee ay askarta Dowladda Fedaraalku ku leeyihiin magaalada Baardheer ee gobolka Gedo.
Sidoo kale waxaa xalay weerar lagu qaaday, Saldhigga ciidamada Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin degaanka Arbacoow ee u dhow degaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca duleedka Muqdisho.