Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsMalleeshiyaadka RSF oo Dad Shacab ah ku Laayay Dalka Suudaan.

Malleeshiyaadka RSF oo Dad Shacab ah ku Laayay Dalka Suudaan.

Kooxda RSF ee taageerada ka helaya dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa maalintii shalay duqeeyay magaalada All-Faashir ee dhacda Galbeedka dalka Suudaan, waxayna halkaasi ku dileen dad badan halka ay dhaawacyo gaareen kuwo kale.

Gentaallada oo ku dhacday qeybo kamid ah gudaha magaalada iyo isbitaalka As-Sucuudii ee ku yaalla magaaladaasi, ayaa waxaa naftooda ku waayay dad gaaraya 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida ay warbaahinta u sheegeen dad xog ogaal ah.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey ahayd markii sidan oo kale malleeshiyadan ay uduqeeyeen isbitaalka Al-Faashir, waxay halkaasi ku dileen 9 ruux halka ay ku dhaawaceen 20 kale.

RSF  ayaa gumaad joogto ah ku haya shacabka Suudaan, waxaana ku garabtaagan gabood falladooda xukuumadda Imaaraadka Carabta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.