Wakaaladda wararka ee dowladda Tuunis ayaa maalintii shalay sheegtay,in ugu yaraan 20 ruux oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen xeebaha dalkaasi kadib markii ay la qarqoontay doontii ay saarnaayeen.
Ciidamada ilaalada xeebaha ee xukuumadda Tuunis ayaa laga soo xigtay in doontan ay ka baxday mid ka mid ah xeebaha gobolka Al-Mahdiyah ee dalkaasi galabnimadii talaalada, waxayna sheegeen iney soo badbaadiyeen 5 ruux oo kamid ah dadkii saarnaa donnta.
Dhacdadan ayaa la sheegay iney ka dhacday meel 13 Meyl ujirta xeebta magaalada Safaaqis ee katirsan Tuunis oo badda gudaheeda ah, magaaladan ayaana ah halka ay ka baxaan tahriibayaal badan oo doonaya iney galaan qaaradda Yurub.
Dhacadadan ayaa imaaneysa xilli Khamiistii lasoo dhaafay sidan oo kale ay dooni ugu degtay isla mandiqaddan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 9 qof, sida ay xilligaasi sheegtay wakaalladda wararka ee Rueters.