Tuesday, April 22, 2025
HomeWarka GudahaCillad aan Wali la Garan oo ku Timid Korontada Dalka Itoobiya.

Cillad aan Wali la Garan oo ku Timid Korontada Dalka Itoobiya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxay cillad la garan la’yahay ku timid mid kamid ah qalabyada muhiimka ah ee ay ku shaqeyso wakaaladda Korontada ee dalka Itoobiya, taasoo sababtay iney Koronto la’aan noqdaan magaalooyinka ugu waaweyn dhulka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu gumeysato.

Magaalooyinka Diridhaba, Herer, Jigjiga iyo magaalooyin kale oo dhaca dhulka Soomaali-Galbeed ayaa koronto la’aan ah, waxayna arrintani ku yeelatay saameyn xooggan.

War-saxaafadeed kasoo baxay wakaaladda korontada ee Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyay jiritaanka arrintan iyo iney cillad ku timid qalabka wakaaladda ee Transmission oo awooddiisu tahay 230 Kilo Volt.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.