Tuesday, April 22, 2025
HomeAll NewsDEG-DEG: Weerar Cagmarin ah oo Saakay Lagu Qaaday Xero Ciidan oo ku...

DEG-DEG: Weerar Cagmarin ah oo Saakay Lagu Qaaday Xero Ciidan oo ku Taalla Sh-dhexe.

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay waxa ay weerar cagmarin ah ku qaadeen, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe.

Xerada cagta la mariyay ayaa waxaa ku sugnaa 1 urur oo katirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Muddo uu dagaalku socday kadib, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta xerada ku taalla duleedka deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe.

Ciidamadii Dowladda Fedaraalka ee ku sugnaa duleedka deegaanka Xawaadley ee Sh-dhexe ayaa uqeybsamay wax la dilay, qaar nolosha lagu qabtay, iyo kuwa firxaday.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa insha’allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.