Dibadbaxyo iyo iska hor-imaadyo udhexeeya ciidanka Xabashida Itoobiya iyo dad rayid ah ayaa ka dhacay magaalada Mooyaale ee ay gumeysato Dowladda Xabashida Itoobiya.
Maalintii shalay dibad-baxyo isku badalay iska hor-imaadyo toos ah ayaa waxa ay ka dhaceen, magaalada Mooyaale ee ay gumeysato Dowladda Xabashida Itoobiya, si gaar ah dhinaca xiga gobalka Oromiya.
Shacabka isku soo baxay ayaa waxa ay kasoo horjeedeen boob iyo dhac ay halkaasi ka wadaan magaalada Mooyaale ee ay gumeysayo Itoobiya.
Ra’iisal Wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya iyo maamulka Oromiya ayay eedeymo ujeediyay, iyagoo usoo jeediyay iney xilka isaga tagaan.