Xaafadda Midnimo oo kamid ah xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose ayaa lasoo warinayaa, in dabeylo xooggan oo halkaasi ka jira ay sababeen inuu istaago isku socodkii dadka iyo gaadiidka.
Bacaadka ayaa ku siktay inuu qariyo guryo ku yaalla xaafaddaan, waxaana muuqaallo laga soo qaaday xaafadda ay muujinayaan, bacaadka oo jaray wadooyin muhiim u ah xaafadda.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa ka waramay saameynta ay ku yeelatay arrintaan, isagoo sheegay ineysan wax gurmad ah ka helin maamulka la baxay Jubbaland.
Sidoo kale gudoomiyaha xaafadda Midnimo ee magaalada Kismaayo Mahad Maxamed Xuseen, ayaa dhankiisa sheegay in bacaadku ay jareen wadooyin muhiim ah.