Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsDonald Trump oo La Wareegay Kursiga Madaxtnimada ee Aqalka Cad.

Donald Trump oo La Wareegay Kursiga Madaxtnimada ee Aqalka Cad.

Waxaa magaalada Washington ee wadanka Mareykanka maanta ka socda, xafladda caleema saarka madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump, kaasoo 20 bishan uu qorshuhu ahaa inuu la wareego xilka madaxtinimo ee Mareykanka.

Durbaba intii aan la caleema saarin wuxuu Trump billaabay inuu ballanqaadyo sameeyo, si uu dadka Ameerikaanka ah usoo jiito, hase ahaatee waxaa lagu soo dhaweeyay banaanbax ka dhan ah oo ay dhigeen dad xukunkiisa kasoo horjeeda.

Trump oo ka xanaaqay mucaaradada ka hor timid ayaa isku soo uruursaday taageerayaashiisa, isagoo usheegay iney guuleysteen sida uu hadalka udhigay.

Mar kale kadib sanado xiriir ah oo uu Trump ka maqnaa xilkan, wuxuu gudaha ugalayaa Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, isagoo qurshihiisu yahay inuu halkaasi kasii wado hagardaamada ay dowladdan umaleegeyso ummadda Muslimiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.