Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsXabaal Wadareed Lag Helay Magaalada Labaad ee Ugu weyn Dalka Mexico.

Xabaal Wadareed Lag Helay Magaalada Labaad ee Ugu weyn Dalka Mexico.

Baaritaan dheer oo qaatay muddo bil ah, islamarkaana lagu baadi goobayay meydadka dad la la’aa ayaa soo geba geboobay, kadib markii la helay meydadka 24 ruux.

Xabaal wadareedkan oo aan meel rasmi ah lagu ogeyn, ayaa baadigoobkeedu wuxuu qaatay muddo bil ah, waxay shaqada baaritaanku ka fursan weyday in loo adeegsado diyaarado Drones ah, Eeyo iyo agab kale.

Meydadka 24 ruux waxaa laga helay duleedka magaalada Qawaad Al-khara oo ah tan labaad ee ugu wayn wadanka Mexico, waxaana lagu riday 72 bacood kadib markii jirkooda la jarjaray.

Xafiiska dacwad oogaha gobolka Khaalisko ee dalka Mexico, ayaa sheegay in ay garteen 6 qof oo kamid ah meydadka la helay, kuwaasoo kala ah 1 qof oo dumar iyo 5 rag ah, wuxuuna xafiisku sheegay in dadkan dhimashadoodu soo gaartay sanadadii 2022-kii iyo 2023-kii.

18 ruux kale wali waxaa ku socda baaritaan si loo aqoonsado, sida ay sheegtay wakaalladda France Presse oo soo xiganeysa dhaqaatiir aqoon u leh arrimahan.

Ma cadda cidda leysay dadka islamarkaana xabaal wadareedka ku duugtay, wadanka Mexico ayaana ah meel baahalo galeen ah oo ay joogaan maafiyada Caalamka iyo kooxaha daroogada ka ganacsada.

Dad gaaraya 15,382 [shan iyo toban kun iyo sedax boqol sideetan iyo labo ruux] ayaa lagu la’yahay gobolka Khaalisko ee wadankaasi, sida ay tilmaamayaan xogo uu bixiyay ku xigeen xafiiska dacwad oogaha gobolka Khaalisko ee qaabilsan arrimaha dadka maqanayyaasha ah.

Wadanka Mexico ayaa kamid ah dadka inta badan aan warbaahinta caalamka loosoo gubin waxyaabaha ka dhex socda, waxayna haatan macluumaad laga helay waayahan kuwii ugu horreeyay muujinayaan, gumaad daran oo ka socda gudaha dalkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.