Beesha Tunni oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega gobollada koonfureed ee Soomaaliya, ayaa suldaan cusub ku caleemo saaratay gobolka Jubbada Dhexe.
Munaasabad ka dhacday deegaanka Xaranka oo katirsan Jubbada Dhexe, ayay beesha qeybteeda degta Jubbada Dhexe, waxay dooratay suldaan cusub.
Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda beesha, iyo masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo uu horkacayay waaliga Jubbada Dhexe Sheekh Cali Darwiish.