Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsDibadbaxyo Looga soo Horjeedo Trump oo ka Dhacay Magaalooyin Ku Yaala Maraykanka.

Dibadbaxyo Looga soo Horjeedo Trump oo ka Dhacay Magaalooyin Ku Yaala Maraykanka.

Kadib markii maalintii shalay mar kale Donald Trump loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka ee muddo xilkeedka soo socda, waxaa isla magaaladii Washington ee lagu caleema saarayay ka dhacay, banaabax looga soo horjeedo dib usoo laabashadiisa, kadib waxay dibaxyadu ku fideen magaaaloyin badan oo katirsan dallkaasi.

50 Magaalo oo dhaca wadanka Mareykanka, ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay, banaanbaxyo looga soo horjeedo Trump iyo siyaasaddiisa.

Dadka dibadbaxyada dhigaya watay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah Trump, waxayna ku soconayeen wadooyinka waa weyn, waxayna kasoo hor jeedaan arrimo dhowr ah oo ay aaminsan yihiin inuu qorsheystay in wax ka bedel lagu sameeyo.

Arrimaha ugu waa weyn ee Donald Trump looga soo waxaa kamid ah, tarxiillidda dadka soo galootiga ah, taasoo saameyn ku yeelan doonta hal Malyan oo soo galooti ah haddii uu tallaabadaasi ku dhaqaaqo.

In ka badan 50 hay’ado iyo ururo isugu jira ayaa mudhaaharaadyada ka dhanka ah Trump soo qorsheeyay, kuwaasoo dhamaantood mucaarad ku ah madaweynaha cusub ee Mareykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.