Maalintii shalay waxaa Khadka taleefoonka kuwada hadlay dhaxal-sugaha Aal-Sacuud Maxamad Ibnu Salmaan iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib markii beryo kahor uu ula hadlay hab jees jees ah.
Trump ayaa mar uu ka hadlayay booqashadii ugu horreysa ee u uku tegayo meel ka baxsan dalka Mareykanka kadib markii uu la wareego xukunka wuxuu diiradda saaray maamulka Aal-Sucuud ee ka taliya dhulka Xarameynka, isagoo sheegay in muddo xileedkiisii hore booqashadii uu ugu tegay ay Sucuudigu ku qarash gareeyeen lacag dhan 450 Bilyan oo Doollar, xilligan haddii uu ka dhigayo dowladda ugu horreysa ee uu booqanayana ku kordhinayo sicirka, oo looga baahan yahay iney bixiyaan lacag ka badan tii hore.
Maxamad Ibnu Salmaan oo ka jawaabaya hadalkaasi ayaa Khadka taleefoonka kula xariiray Trump, wuxuuna usheegay iney diyaar ula yihiin lacag ka badan tii hore oo gaareysa 500 Bilyan oo Doollar.
Sido kale wuxuu usheegay Trump, in ay diyaar la yihiin lacag aduun lacageed oo dhan 600 oo Doollar, kaasoo uu sheegay iney ku maalgelinayaan afarta sano ee uu Trump xilka hayo xiriirkooda ganacsi ee ka dhaxeeya, haddii loo baahdana ay kor dhinayaan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo uu Donald Trump sidan ubahdilo maamulka Aal-Sucuud, iyaguna ay uqosleen qoortana udhiibteen.