Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsMaxay Kooxda Xuuthiyiinta u Qarisaa Khasaaraha Kasoo Gaara Dagaallada?

Maxay Kooxda Xuuthiyiinta u Qarisaa Khasaaraha Kasoo Gaara Dagaallada?[WARBIXIN]

Bogga Facebook ee Xafiiska Warbaahinta magaalada Bacdan ee xiriirka la leh Agaasinka deegaanka Ibb ee bartamaha Yemen, ayaa 8-dii bishan Janaayo ku dhawaaqay aaska mid ka mid ah dagaalyahannada Xuuthiyiinta ee lagu dilay dagaallada, kaas oo lagu magacaabi jiray Cadiy Cabdul-Baari Cabdah Saalax Al-Mubaraazi, balse magaciisa laguma darin liiska dadka ka dhintay kooxdan, kuwaasoo aaskooda lagu shaaciyay wakaaladda wararka Yemen ee Saba qaybta ay maamulaan Xuuthiyiinta, taasoo su’aal galinaysa inay Xuutiyiintu qarinayaan khasaaraha kasoo gaaray iskahorimaadyada faraha badan ee ay tiinbanayaan.

Kooxda ayaa ku dhawaaqday aaska 44 kamid ahaa ciidamadooda muddada u dhaxeysay 1 illaa 18-ka isla bishan Janaayo, inkastoo ay joogsadeen dagaalladii udhaxeeyay iyaga iyo dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay tan iyo bishii Abriil 2022-kii, kolkaas oo ay gaareen hashiis xabad joojin ah, oo ay ku dhawaaqday Qaramada Midoobay.

Waxaa xusid mudan in dadka dhintay ee ay kooxdaasi ku dhawaaqday dhimashadooda muddadaas ay ahaayeen 41 canaasiir oo haystay darajooyin ciidan oo sar-sare, waxaana loo qaybiyay sidatan: Laba waxay haysteen darajada Sarreeye Guuto, Saddexna waxa ay haysteen Darajada Gaashaanle Sare, Labana waxa ay haysteen Darajada Gaashaanle Dhexe, Laba kalana waxa aya ahayeen Darajada Gaashaanle, Todoba waxa ay haysteen Darajada Kabtanka, Toban waxa ay haysteen darajada Sarreeye Guuto, Sagaalna waxa ay haysteen Darajada Gaashaanle Sare, Midna waxa uu ahaa Darajada Caawiyaha Koowaad, halka Shanna ay haysteen Darajada Kaaliye, marka laga reebo saddex ruux oo ahaa askar.

Halkaan ka Degso Warbixinta Xuuthiyiinta

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.