Tan iyo wixii ka dambeeyay shaqa joojinta ay sameeyeen diyaaradaha duulimaadyada ee magaalada Muqdisho, waxaa isa soo tarayay dhibaatooyinka ay wajahayaan dadka Soomaalida ah ee isugu jira kuwa ka duuli jiray iyo kuwa kasoo dagi lahaa garoonka caasimadda.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa waxa ay ku xaniban yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, kadib markii ay waayeen diyaarado ay raaceen.
Dadkaan ayaa waxa saameyn ku yeeshay shaqa joojinta ay sameeyeen diyaaradaha duulimaadka ee magaalada Muqdisho, waxaana dadkaan oo ay ku jiraan bukaanno iminka heysta xaalado adag.