Kalluun aad ufarabadan ayaa maalintii shalay kusoo caariyay xeebaha gobolka Bari, gaar ahaan inta udhaxeysa magaalada Boosaaso iyo degaanka Mareero.
Kalluunkan ayaa tiradiisa rasmiga ah la haynin balse waxaa la hubaa inuu aad farabadan yahay, waana nooc gaar ah oo kamid ah kuwa badda ku jira loona yaqaan Hombobaro ama Dolphins.
Maamulka la baxay Puntland ayaa ka hadlay kalluunkan, waxayna sheegeen in baaritaan lagu sameynayo waxa sababay inuu sidan ugu soo caariyo xeebta badda.
Dadka ayaa loogu baaqay ineysan cunin kalluunkan, maadaama aysan ogeyn waxa ku dhacay.