Dowladda Fedaraalka ayaa shaacisay in ciidamada Masar iyo Itoobiya ay dhamaantood qayb ka noqonayaan howlgalka magaciisa loosoo gaabiyo AUSOM ee ciidamada Shisheeye.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Fedaraalka Axmad Macallin Fiqi, ayaa sheegay in sedax bilood gudahood ay ku imaanayaan labada ciidan ee ka kala socda Masar iyo Itoobiya.
Fiqi wuxuu xusay in imaashaha ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya ay wadahadallo la xiriira oo ku tilmaamay kuwo farsamo socdaan.
Hadalkan kasoo yeeray Dowladda Fedaraalka ayaa imaanaya xilli dhawaan Xasan Sheekh uu labo safar oo kala duwan ku tegay, dalal Masar iyo Itoobiya oo aan heshiis ahayn.