Volodymyr Zelenskyy madaxweynaha xukuumadda Ukraine, ayaa isagoo ka hadlay meel madal ah ugu baaqay reer Galbeedka oo ay ugu horreyso tan Mareykanka, iney ka qeyb qaataan wadahadallo kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka ka dhaxeeya iyo Ruushka.
Zelenskyy ayaa yiri’’ Ukraine waxaa ku waajiba ah iney ka qeyb gasho wadahallo kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka, si ay wadahadallaasi uyeeshaan saameyn la taabankaro’’.
Hogaamiyaha xukuumadda Kyiv oo aaminsan in Trump uu soo geba gebeynkaro dagaalka kala dhaxeeya Mooskoow, isagoo tilmaamay ineysan waxba ka suurageleyn wadahadallada, haddii uusan madaxweynaha Mareykanka soo faragelin.
Hadalka Zelenskyy ayaa kuso aadaya iyadoo dagaalka udhaxeeya Ukraine iyo Ruushka intiisa badan kusoo uruuray, weeraro u eg ku dhufo oo ka dhaqaaq.