Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsHaweeney Soomaali ah oo Kasoo Muuqatay Maxkamad ku Taalla Mareykanka.

Haweeney Soomaali ah oo Kasoo Muuqatay Maxkamad ku Taalla Mareykanka.[DHAGEYSO]

Waxaa maxkamad ku taalla dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Savage ee gobolka Minnesota kasoo muuqatay haweeney Soomaali ah, taas oo lagu eedeeyay wax is daba marin.

Ayaan Faarax Abuukar, oo 43 jir ah ayaa lasoo taagay maxkamadda, waxaana ay Dowladda Mareykanka ku eedeysay iney lunsatay lacag dhan $5,7 milyan oo Doollar, taas oo qeyb ka aheyd lacagta lagu eedeeyay inuu msuqumaasuqay Mukhtaar Maxamed Shariif oo isana lagu xumay 17 sano.

Illaa iyo hadda lama shaacin taariikhda xukunka lagu ridi doono haweeneydaan Soomaalida ah ee kasoo muuqatay maxkamadda ku taalla dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa kiiskaan oo kaliya waxa ay dacwad ugu soo oogtay 70 ruux, kuwaas oo 24 kamid ah la sheegay iney qirteen eedda loosoo jeediyay.

Halkaan ka Degso Warka Haweeneyda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.