Bulshada ku dhaqan magaalooyinka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa ka hadlay dhibaatooyin badan oo ay kala kulmayaan dadka Itoobiyaanka ah.
Mudooyinkii lasoo dhaafay dadka ku dhaqan magaalooyinka ku yaalla dhulka uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa waxaa ka taaagnaa, dhibaatooyin ay dadka Xabashida ah ku hayaan bulshada.
Waxa ay qeybaha kala duwan ee dadka ku nool halkaasi sheegeen, in dadka Itoobiyaanka ah ee dhibaatada ku haya ay yihiin kuwa gaalo ah.
Waxa ay intaasi ku dareen in iyagoo dagan hotello lacaga badanna halkaas ku bixiyaan ay usoo dawarsi tagaaan dadka, ujeedkuna uusan dawarsi aheyne ay maagan yihiin shirqoollo kale.