Wasaaradda dagaalka ee dowladda Ruushka ayaa maalintii shalay oo Axad ahayd ku dhawaaqday, in ciidamadoodu ay la wareegeen magaalada Filika-Nofosilka, oo ku taalla mandiqadda Donetsk ee Bariga wadanka Ukraine.
Ciidamada Ukraine ayaa xaqiijiyay iney isaga baxeen qeybo kamid ah magaaladan, balse waxay sheegeen iney uga baxeen xeelad dagaal, sida ay hadalka udhigeen.
Waxay intaasi ku dareen iney ka baqeen in lagu go’doomiyo magaalada, taasi oo muujineysa cabsida soo wajahday askarta Ukraine ee keentay iney kasoo baxaan magaalo ay gacanta ku hayeen.
Askarta xukuumadda Kyiv ayaa intaasi sii raaciyay iney usoo muuqatay halis ay ku jiraan, sidaasi darteedna ay tallaaban uqaadeen si aan khasaare culus halkaasi loogu gaarsiinin.