Booliska dowladda Mareykanka ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo 30 sano ah New York oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn Mareykanka aysan muddo 5 maalin ah xabad dhimasho sababtay ka dhicin.
Warkan ayaa marka loo fiiriyo dhanka xukuumadda Washington iyo dadka Ameerikaanka ah u ahaa mid farxadeed, halka qaar badan oo kamid ah dadyowga Dunida ku nool oo aan waxbadan ka ogeyn waxa ka dhacaya Mareykanka ay la yaabeen arrintan.
Dhanka kale dhacdadan tusaale muuqda ka bixisay Mareykanku yahay mid kamid wadamada ugu amniga daran Caalamka haduusanba ahayn kan ugu horreeya.
Waxaa la is waydiinayaa, haddii magaalooyinkii caasimadaha ahaa ee ciidanku ku badnaayeen amnigooda aad loo ilaalinayay sidan yihiin, waa side xaalka magaalooyinka kale ee ku yaalla gudaha dalkaasi, intee in la eg oo dembiyo ah ayaasa ka dhacda 24-ka saac ee soo marta habeen iyo maalin.
Dad badan oo aan xog badan ka hayn Mareykanka ayaa loogu sheekeeyaa inuu amni yahay, waxaysa xaqiida ka sal gaaraan markii ay tagaan oo ay indhahooda ku arkaan cabsida iyo amni amaan darrada halkaasi ka jirta.