Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo maanta markale ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.
Dagaallada ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen deegaanka Beerayabaal ee dhaca duleedka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.
Dagaallada ayaa lagu dilay 10 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka halka lagu dhaawacay 20 kale, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil, iyadoo laga furtay gaari Noha ah iyo bastoolad.
Xubnaha lagu dilay dagaallada waxaa kamid ah Muuse Axmad Cali, Xasan iyo Maxamad Calasow, halka kuwa dhaawacmayna ay kamid yihiin Cabdullaahi Macow, Dhaley iyo Jujaale oo ah taliyaha guutada 26aad ee ciidamada Dowladda Fedaraalka.