Wararka ka imaanaya gobalka Bari ayaa sheegaya in tiro dad ah ay dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen, duqeyn ay geystay diyaarad Drone ah oo ka dhacday deegaan katirsan gobalkaas.
Duqeynta oo ay fulisay diyaaran aan duuliye laheyn oo loo badinayo iney leedahay Dowladda Mareykanka, ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhacday deegaanka Sixna oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.
Qoys reer baadiye ah ayay beegsadeen diyaaradaha Shisheeye, waxaana ay dil iyo dhaawac u geysteen haween iyo caruur kamid ahaa qoyska la beegsaday.
Inta la xaqiijiyaay 2 dumar ay ayaa ku dhintay duqeynta diyaaradeed ee ka dhacday deegaanka kartirsan gobalka Bari, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo ay caruur ku jiraan.
Qoyska oo dagan mandiqad baadiye ah oo aan magaalo u dhaweyn ayaa waxaa lasoo warinayaa in dadka ka dhaawacmay ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo aysan wali helin.
Diyaaradaha Shisheeye ayaa marar badan waxa ay sidaan oo kale duqeymo uga fuliyeen qeybo kamid ah Soomaaliya si gaar ah Koonfurta dalka, kuwaas oo ay ku laaayeen dad rayid ah.