Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsDhul Gariir ka Dhacay Suuqa Technology-yadda Kadib Markii uu Soo Baxay AI...

Dhul Gariir ka Dhacay Suuqa Technology-yadda Kadib Markii uu Soo Baxay AI Cusub.

Dowladda Shiinaha ayaa farsameysay application cusub oo ku shaqeeya garaadka macmcalka, kaasoo dhulka la galay Chatgpt oo ay horey usoo saartay shirkad laga leeyahay wadamada reer galbeedka.

Application-ka cusub ee ay soo saartay dowladda Shiinaha ayaa lagu magacaabaa DeepSeek, waxaana uu qabtaa dhamaan shaqooyinka uu qabto ChatGpt, iyadoo uu dheeryahay inuu lacag la’aan yahay.

Durba markii uu soo baxay barnaamijkan waxaa isbedel xoogan laga dareemay suuqyada Technology-yada, iyadoo maalqabeenno badan ay saamiyadooda kala baxeen shirkadda AI ee ChatGpt.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in halka shirkadda Chatgpt lagu qarsh gareeyay balaayiin doollar, ay dowladda Shiinaha ku qarash gareysay barnaamijkeeda cusub lacag malaayiin ah, taasoo aad uga yar ChatGpt.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dagaalka dhaqaale ee dowladda Shiinaha kula jirto reer galbeedka, waxaana durba dadkii isticmaalayay Chatgpt ay u weecdeen dhanka DeepSeek, maadaama uu yahay mid lacag la’aan ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.