Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali-galbeed oo ay gumeysato Itoobiya ay ciidamo Bolis ah ku dileen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shaafici C/kariin Cali.
Aabaha dhalay wiilka la dilay oo saxaafadda la hadlay oo ka hadlay qaabka loo dilay wiilkiisa ayaa sheegay, in ciidanka Bolisku au ugeysteen tacdiib iyo jirdil xooggan.
Maamulka ay Xabashidu ka dhisatay Jigjiga ayuu sheegay inuu isku dayay marin habaabinta dilka ay ciidamadu ugeysteen wiilkiisa, ayna u sheegeen inuu xanuunno u dhintay, balse taasi ay waxba kama jiraan tahay oo uu jirdil udhintay Shaafici, ayna jiraan dhalinyaro kale oo halkaasi ku dhintay.