Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa maamul gobaleedyada ku eedeeyay iney qaataan go’aanno halis ku ah dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh
Aadan Madoobe oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu eedeyn ujeediyay maamul gobaleedyada ay Shisheeyuhu ka dhiseen dalka.
Waxa uu ku eedeeyay in ay gaaraan go’aanno halis ku ah Dowladda Fedaraalka oo meesha ka saaraya jiritaankeeda, mid walibana uu is moodo inuu yahay Dowlad madax bannaan sida uu hadalka udhigay.