Waxaa magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itooboya ka billawday raaf ay Dowladda Xabashida Itoobiya ugeysanayo dadka Eretereanka ah ee ku sugan magaaladaas.
In ka badan 200 oo ruux oo ka yimid magaalada Asmara ayay xabsiga dhigtay Dowladda Xabashida Itoobiya, kuwaas oo ay ku eedeysay iney yihiin jawaasiis u shaqeynaya dowladda Eretera.
Sidoo kale hey’adda sirdoonka ee Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay, in ka badan 900 oo xubnood oo ay tilmaamtay iney ka tirsan yihiin jabahadaha ka dagaallama dalkaas, kuwaas oo lagu eedeeyay iney qorshayeynayeen weerar ka dhaca magaalada Adis Ababa.