Diyaarad rakaab ah oo ay lahayd dowladda Hindiya ayaa Khamiistii ina dhaaftay ku burburtay gudaha dalkaas, daqiiqado kadib markii ay ka kacday garoon caalami ah oo ku yaalla magaalada Axmed-Abaad ee waddanka Hindiya, diyaaradan ayaana kusii jeeday dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada caasimadda u ah ee Landhan, waxaana saarnaa 242 qof.
Sida laga soo xigtay dadka khubarada ku ah majaalka duulista, daqiiqado kadib markii ay diyaaradda ka haaday garoonka waxay wajahday culays wayn oo ku aaddan sii wadidda duulimaadka.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinno caalami ah ayaa la xiriiray khubarada duulista iyo duuliyayaasha fadhigoodu yahay waddanka Hindiya, kuwaas oo si joogto ah u raaca diyaaradaha ay isku nooca yihiin diyaaradaan burburtay, si ay u ogaadaan waa warbaahinnada ee waxa sababay, in diyaaraddu ay ku dul dhacdo dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha magaalada Axmed-Abaad wax yar uun kadib markii ay duushay.
Kubaradaan ayaa hoosta ka xariiqay, inay jiraan afar qodob oo ka caawin kara sharraxaadda iyo cadaynta sababta keentay inay diyaaradaasi burburto.
Qodobka koowaad waxay ku sheegeen diyaaradda oo aan kor noqonin qadarkii loogu talagalay inay hawada gasha. Diyaaradan burburtay oo nooceedu ahaa “787-8 Diriimlaaynar” ayaa waxaa duuliye ka ahaa Kabtan lagu magacaabi jiray Suumit Sabhaarwaal iyo kaaliyihiisii oo isna la oran jiray Kilaayaf Koondaar. LAbaaduba waxaa la sheegay, inay ahaayeen, duuliyayaal khibrad sare leh oo in ka badan Sagaal Kun oo saacadood ku jiri kara duulimaad.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya ayaa sheegay, in diyaaradda oo u muuqatay mid ku dhibtoonaysay inay kor u kacda qadarkii loogu talagalay inay hawada gasha, ay hadana siday Boqol tan oo shidaal ah xilligii ay ka duulaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Axmed-Abaad.
Maamulka duulista ee Hindiya ayaa dhankooda sheegay, in laga soo wacay qolka laga hago diyaaradaha isla markii ay diyaaraddu duushayba, balse aysan jirin wax jawaab ah oo ka soo baxay diyaaradda, iyadoo aan la ogayn waxa ku kalifay baaqaaas, balse qofka kaliya ee ka badbaaday diyaaradii burburtay ayaa warbaahinta Hindiya u sheegay, in uu maqlay jug aad u weyn, xilli ay diyaaraddu ku dhibtoonaysay inay hawada gasho.
Arinka labaad ee khubarada qaar ay ku qiyaaseen inay diyaaraddu u burburtay ayaa ah suurtagalnimada cillad aad naadir u ah oo ku jitay labaada matoor ee diyaaradda, iyagoo dhanka kalana hoosta ka xariiqay, in aan si buuxda loo go’aamin karin sababta keentay burburka diyaaradaas.