Saturday, May 24, 2025
HomeAll NewsAfar Arrimood oo Mustaxiil ka Dhigaya in Putin uu Ogolaado Soo Afjaridda...

Afar Arrimood oo Mustaxiil ka Dhigaya in Putin uu Ogolaado Soo Afjaridda Colaadda Ukraine.[WARBIXIN]

Iyadoo la eegayo isbadalladii ugu dambeeyay iyo xiriirka dhanka khadka taleefoonka ahaa ee dhawaan dhexmaray hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Mareykanka, ayuu safiirkii hore ee Ingiriiska u fadhiyay Kiyeef ninka lagu magacaabo Siimon Samiith sheegay, in madaxweynaha Ruushka Faladamiir Buutiin uu hiigsanayo, in madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu lumin doono dulqaadka wadahadallada xabbad joojinta, taasoo u oggolaaneysa inuu sii wado dagaalka ka dhanka ah Yukrayn.

Hadal uu siiyay mareegta “Aay Biir”ee laga leeyahay Ingiriiska, ayuu Samiith ku sheegay afar sababood oo waaweyn oo ka dambeeya, in madaxwaynaha Ruushka Faladamiir Buutiin uu ku adkaysto mowqifkiisa ku aaddan dagaalka.

Siimon Samiith safiirkii hore ee Ingiriiska u fadhiyay Kiyeef ayaa xusay, in sababta aasaasiga ah ee Buutiin uu u diiday in uu galo wadahadal nabadeed oo dhab ah ay tahay, in uu aaminsan yahay inuu wali haysto agab uu ku sii wado dagaalka iyo in uu isaga waqti ku soconin.

Samiith waxa uu intaa ku daray, in Buutiin ay u badan tahay in uu ku qancay, in Taraam usan diyaar u ahayn inuu dhaqaale badan ku bixiyo difaacidda Yukrayn, reer Yurub iyo dalal kalena aysan buuxin karin dhufayskaas.

Iyada oo ciidamada Ruushku ay gacanta ku hayaan shan meelood meel ka mid ah Yukrayn oo ay waliba horay ugu sii socdaan, ayuu Buutiin rumaysan yahay, in uu wali haysto fursad wanaagsan oo uu ku guuleysan karo haddii uu sii wado istiraatijiyaddiisa uu sida tartiib tartiibta ah ugu qabsanaya dhul Yukrayn.

Arinta labaad ee Buutiin ku riixayso inuu dagaalka ku adkasto waa madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam oo Buutiin ka doorbiday Zalaniska. Samiith waxa uu aaminsan yahay in Buutiin uu helay fursad uu ku hanto  kolsoonida Taraam. Isagoona xusay, in Buutiin uu haysto sabab wanaagsan oo uu ku aamino in Taraam uu isaga ka jecel yahay madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski.

Sida laga soo xigtay danjirihii hore ee Kiyeef, kulankii  Taraam iyo Zalaniski ku dhexmaray Aqalka Cad ayaa daaha ka qaaday, waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, in Taraam uu wali ka xanaaqsan yahay inuusan Zalaniski la shaqeynin sanadkii 2019-kii.

Faladamiir Buutiin ayaa la rumeysan yahay inuu si gaar ah u daneeyo shakhsiyadda Doonal Taraam, isaga oo u arka hoggaamiye uu si fudud ula jaanqaadi karo, taas oo ka dhigaysa Taraam mid kamid ah hogaamiyayaasha uu doonayo Buutiin inuu u adeegsado danaha Ruushka.

Qodobka Sadexaad ee mustaxiil ka dhigaya in Buutiin uu ogolaado soo afjaridda colaadda Yukrayn ayaa ah in Ruushku uu damacsan yahay ka hortaga cunaqabataynada uu dalkiisu saaray Mareykanka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Dagaalka Ukraine

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.