Cabdullaahi Dheere oo ahaa Afhayeenkii maamulka la baxay Hirshabeelle ee dhawaan is casilay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in maamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe iyo Dowladda Fedaraalka ay ku fashilmeen dagaallada ka socda gobalka Sh-dhexe.
Waxa uu xusay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qabsatay dhul ballaaran oo katirsan gobalka Sh-dhexe, isagoo sidoo kale sheegay in maxaabiis looga qabsaday weerarkii Masaajid Cali Gaduud.
Waxa uu geesta kale tilmaamay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen magaalada Balcad, dhaqdhaaqyo joogta ahna ay ka sameeyaan hareeraheeda.
Gudoomiyaha degmada Balcad ee Dowladda Fedaraalka ayuu sheegay inuu yahay nin fuley ah furimaha dagaalkana kasoo carara, dadkii uu dagaalka uga soo cararayna uu kamid ah wiil uu dhalay afhayeenkaan hore ee is casilay.