
Isago khudbad ka jeedinayay 34 sano guuradii kasoo wareegatay markii uu dalka Eretrea ka madax banaanaaday Itoobiya, ayuu madaxweynaha dalkaas ka hadlay xiisadaha ay sababtay Dowladda Xabashida Itoobiya ee ka taagan geeska Afrika.
Waxa uu tilmaamay in damacyada gurracan ee ay Dowladda Xabashida Itoobiya ku dooneyso iney la wareegto xeebaha dalkaas, ay abuuri karaan colaado iyo dagaal qalqal galin kara amniga geeska Afrika.