Muuqaalkaan oo ay baahisay Al-kataa’ib Al-Kihbaariyah ayaa waxa uu soconayaa qadar 18 daqiiqo iyo ilbiriqsiyo ah, waxaana lagu soo bandhigayaa farriimo ay dirayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Muuqaalka oo ah qeybta koowaad sililad ciwaan looga dhigay, Fariin Ka Socota Mujaahidiinta Ku Sugan Furumaha Dagaalka oo Ciwaankeeduna yahay:- Maxaan u Dagaalameynaa? Ayaa lagu soo gudbinayaa farriimo kala duwan oo ay dirayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan furimaha dagaalka, laga soo billaabo buuraha Goolis illaa koonfurta dalka.
Qeybtaan ayaa waxaa farriin ku diraya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Goolis, iyo wilaayaadka islaamiga ah ee kala ah Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Sh-dhexe, Baay iyo Bakool.