Waa muuqaal la daawan karo qadar 10 daqiiqo ah, kaas oo ay Al-Kataa’ib Al-Ikhbaariyah kusoo bandhigeyso, weerarkii cagmarinta ahaa ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, ciidamadii Dowladda Fedaraalka ee ku sugnaa deegaanka Wargaadhi oo katirsan gobalka Sh-dhexe.
Kahor inta aysan Kaamira Al-Kataa’ib ku geynin meydaankii lagu lagu diriray, waxa uu isdaarku soo gudbinayaa muuqaallo qalbi taabad leh oo soo bandhigaya, gumaadka wuxuushnimada ah ee uu maamulka gumeysiga Yahuudda ka wado Marinka Qazza.
Muuqaallada oo ahaa kuwa aan indhaha loo dhameyn karin ayaa waxa ay bannaanka soo dhigayaan, heerka ay gaarsiisan tahay waxshiyadda Kayaanka Suhyuuniga ah, taas oo aan kala reebin caruur, cirroole, haween iyo rag intaba.
Isdaarka ayaa lagu muujinayaa in Mujaahidiinta ka halgamaya geeska Afrika aysan ka daahsooneyn gummaadka foosha xun ee uu maamulka Yahuudda ka wado Marinka Qazza, waxaana muuqaalka kasoo muuqanaya ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo wata boorar lagu xardhay hal ku dhigyo lagu garab istaagayo ehelkeenna Qazza.
Sheekh Mahad Warsame Abuu C/raxmaan oo katirsan hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo kasoo muuqanaya isdaarka ayaa sheegaya, in ahdaafta ay udagaallamayaan ay ugu horreyso xoreynta muqadasaadka Muslimiinta ee Filastiin.
Intaasi kadib waxa uu isdaarku ku geynayaa fagaarigii uu ka dhacay dagaalkii xoogganaa ee deegaanka Wargaadhi oo katirsan gobalka Sh-dhexe, kaas oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Sidaba looga bartay ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxa ay kaamirada Al-Kataa’ib soo qabaneysaa firxad wadajir ah oo ay sameynayaan askartii lagu weeraray deegaanka Wargaadhi, waxaadna arki kartaa iyagoo mid mid loo taaganayo.
Dagaal iyo dirir aan waxba la iskula reeban kadib, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegaya saldhigyadii ay ku sugnaayeen askarta Dowladda Fedaraalka, kadib markii ay kasoo tallaabsadeen meydadka ciidankii halkaasi ku sugnaa oo qaarkood la dul tagay iyagoo dhaawacyo ah.
Qeybaha dambe ee muuqaalka waxaa lagu soo bandhigayaa ciidamada Xaarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo gacanta ku dhigaya gaadiid, hub iyo saanadi ciidan, kuwaas oo ay ka carareen askartii Dowladda Fedaraalka ee lagu weeraray deegaanka Wargaadhi.