Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsAl-Kataa'ib oo Ballan Qaaday Baahinta Dokumentari Cusub.

Al-Kataa’ib oo Ballan Qaaday Baahinta Dokumentari Cusub.[WARSAXAAFADEED]

Mu’assasada Al-Kataa’ib ayaa ballan qaaday iney baahin doonto, Dokumentari cusub oo ku saabsan dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jirta dalla Soomaaliya.

Documentary-gaan oo ka kooban 3 xalqo ayaa ku baxaya luqadaha Af-Soomaliga iyo Ingiriisiga , waxa uuna banaanka soo dhigayaa aragtida dhaqaale ee dalka lagu hagayey tobanaankii sano ee lasoo dhaafay iyo caqabadaha dhaqaale ee uu dalkeenu waajahayo.

“Dhagaraha Bankiga Adduunka Iyo Hay’adda IMF” ayuu ciwaan ahaan usitaa Documentary-ga cusub ee lagu wado iney baahiso Mu’assasada Al-Kataa’ib, waxaana uu daaha ka feydayaa hagardaamooyinka ay hay’adaha IMF iyo World Bank ku hayaan dalalka soo kobcaya, gaar ahaan Soomaaliya.

Culimada, aqoonyahanada, ganacsatada, jaamacadaha iyo indheergaradka bulshada ayaa loogu baaqay iney u istaagaan, sidii looga hortagi lahaa boobka lagu hayo dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed, daraasadaha iyo doodaha uu taxanahaan xambaarsan yahayna ay ukuur-galaan.

Sidoo Dowladda Fedaraalka ayaa iyana lagu wargaliyay in looga fadhiyo, ka jawaabidda xaqaa’iqda uu soo bandhigo soono taxanahaan, kaas oo billaaban doona maalinta Arbacada taariikhdu ku beegantahay 09 April 2025 Insha’allaah.

Halkaan ka Dhageyso Warsaxaafadeedka

Halkaan ka Degso Bayaanka oo Engalish ah

Halkaan ka Degso Bayaanka oo Af-Soomaali ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.