Amiirka Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab Sheekh Sacad Bin Caadif Al-Cowlaqi ayaa ku baaqay, beegsiga sharikaad iyo xubno Ameerikaan ah oo ku lug leh duullaanka wuxuushnimada ah ee uu maamulka Yahuuddu ka wado Marinka Qazza.
Kalimad uu Jeediyay Amiirka ayuu qeybaheeda hore kaga hadlay, duullaanka cadowtooyo ee ay wajahayaan ehelkeenna ku nool Qazza, isagoo dadka Muslimiinta ah ugu baaqay iney fuliyaan weeraro loogu aargudayo Muslimiinta Filastiin, si gaar ahna ay u beegsadaan sharikadaha iyo xubnaha Ameerikaanka ah ee teegeerada joogtada ah ku bixinaya xasuuqa ay Sahaayinadu ka wado Jiidda Qazza.