Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsAl-Qaacidada Yeman iyo Saaxilka Afrika oo Fuliyay Weeraro Khasaare Dhaliyay.

Al-Qaacidada Yeman iyo Saaxilka Afrika oo Fuliyay Weeraro Khasaare Dhaliyay.

Ciidamada Mujaahiidiinta ee ka hawlgalla dalalka galbeedka Afrika iyo dalka Yemen ayaa fuliyay weerarro lagu beegsaday askarta wadamadaas, dalalka sida gaar ah askartooda loo beegsaday ee wadamada saaxilka ayaa waxaa kamid ah ciidamada Burkiina-Faaso, Baniin iyo Maali.

Mujaahdiinta Ansaru Shariicah ee ka jihaada dalka Yemen ayaa fuliyay duqaymo ay ku beegsadeen qaar kamida ciidamada uu Imaraadku tababaro ee ka barbar dagaalama askarta dawladda Yemen, waxaana duqayntaas lagu dilay hal askari, iyadoo lagu dhaawacay Sadex kale, hawlgalkan ayay mujaahdiintu u adeegsadeen diyaaradaha daroonka ee aan duuliyaha lahayn.

Sidoo kale, mujaahidiinta  Jamaacada Nusratul Islaami Wal-Muslimiin ayaa isbuucii lasoo dhaafay weerarro ku qaaday ciidamada dawladda Burkiina-Faaso, dagaalkan ayaana ka dhacay halka loo yaqaano Darqawii ee ka tirsan gobolka Kayaa, waxaana lagusoo furtay saanad ciidan oo ay kamid yihiin 7 mooto oo ah nooca laba lugooda ah, halka ay ku gubeen 4 kale.

Dhanka Maali, mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa hawlagl qarax ah la beegsaday askar kolonyo ah oo ku socdaalayay wado u dhaxaysa magaalooyinka Danshiila iyo Siikaasuu, waxaana halkaas khasaare culus lagu gaarsiiyay saraakiishii iyo ciidamadii galbinayay, isla dalkaas waxaa sidoo kale qarax kan lamida lala beegsaday ciidamo kale oo marayay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Dajaabli iyo Diiquufri oo kawada tirsan gobalka Siiquu.

Geesta kale, ciidamada mujaahidiinta ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ee ka hawlgala dalka Biniin ayaa waxaa u suuragashay inay la wareegaan labo saldhig oo ay ku sugnaayeen askarta dalkaas, kaddib weerarr abaabulan oo ay ku qaadeen xerooyinkaas, kuwaas oo ku kala yaalla deegaanada kala ah Wadaa iyo Kawduu oo kawada tirsan gobalka Kaandii ee dalka Baniin.

Jamacaadka jihaadiga ah ee ka hawgala Yemen iyo wadamada Saaxilka Afrika ayaa mudooyinkii dambe laba jibaaray iska hor-imaadyada ay kula jiraan ciidamada dalalkaas, waxayna dileen boqolaal ka tirsan kuwa ay tababareen dawladaha ay taakuleeyaan reer galbeedka iyo Imaradka carabta, kuwaas oo kahoos shaqeeya maamulada maqaarsaarka ah ee ka jira dalalkaas, iyagoo dhibatooyin kala duwan ku haya dadka Muslimiinta ah ee ku hoos nool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.