Sunday, July 20, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Askar Itoobiyaan ah ku Dilay Qarax ay ka Fuliyeen Beydhabo.

Al-Shabaab oo Askar Itoobiyaan ah ku Dilay Qarax ay ka Fuliyeen Beydhabo.

Wararka ka imaanaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gudaha magaaladaas ka fuliyeen qarax lala beegsaday ciidamada Xabashida Itoobiya.

Qaraxa ayaa waxaa si gaar ah loola eegtay askarta Itoobiya ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo, waxaana la gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ciidanka Xabashida Itoobiya looga dilay 3 askari, halka looga dhaawacay 2 kale.

Garoonka diyaaradaha ee Beydhabo ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay, qaraxyo khasaare naf iyo maalba leh lagu gaarsiiyay ciidanka Itoobiya ee qeybta Shisheeyaha kusoo duulay dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.