Thursday, June 26, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Degaano Katirsan Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Degaano Katirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa galabta dagaal kula wareegay degaano katirsan gobolka Hiiraan.

Degaanada ayaa waxaa ku sugnaa askar katirsan kuwa Dowladda Fedaraalka, kahor inta aysan soo gelin gacanta Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Marka si gaar ah looga hadlo degaanada lala wareegay waxay udhawyihiin degaanka Yasooman ee gobolkaas, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

1-Abdhaare.
2-Cusable-Hute
3-Dirow-waa.

La wareegintaanka degaanadan sedaxda ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo isla maanta uu weerar cagmarin ah ka dhacay xero ay ciidanka Dowladda Fedaraalku ku lahaayeen duleedka degaanka Ceel-Qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay fuliyeen ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.