Monday, June 9, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Talis Ciidan oo ku Yaalla Duleedka Moqokori.

Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Talis Ciidan oo ku Yaalla Duleedka Moqokori.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar kula wareegay, talis ay lahaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku yaalla gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka ayaa lagula wareegay taliskii ay askarta Dowladda Fedaraalka ku nawaaxiga deegaanka Mooro-eri ee duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in ciidamada Dowladda Fedaraalka lagu gaarsiiyay, weerarka ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen taliska ku yaalla duleedka Moqokori.

Ugu yaraan 4 askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dilay weerarkaan oo midkood meydkiisa looga cararay goobta dagaalka, halka dhaawacuna uu marayo 8 kale..

Waxaa suuragal ah in khasaaraha nafeed uu intaasi ka bato, maadaama kani uu yahay mid horudhac ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.