Sunday, June 1, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Go'doomiyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Al-Shabaab oo Go’doomiyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.[WARBIXIN]

Warbixin ciwaan looga dhigay “ Go’doominta Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho” ayaa daaha ka rogtay, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qaadatay istiratiijiyad halis badan, oo ka dhigan burburka Dowladda Federaalka iyo in magaalada caasimadda ah ay si fudud ula wareegto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warbixintan oo lagu baahiyay kanaal Youtube ah oo lagu magacaabo War-fronts kana faallooda arimaha dagaallada, ayaa lagu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay go’doomisay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, lagana yaabo in waqtiyada nasoo aadan ay si fudud kula wareegto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“ Dowladda Soomaaliya ee dhacda bariga Afrika, caankana ku ah fashilka dhinacyada badan leh, ayaa qarka u saaran iney burburto, xaalkeedana maahan mid aad loogala socdo dunida, Xarakada Jihaadiga ah ee Al-Shabaab ayaana tan iyo sanadkan 2025-ka waxay u muuqataa mid ku guuleysaneysa dagaalka” ayay leedahay warbixinta lagu baahiyay kanaalka War Fronts.

Iyadoo sii socota waxay warbixintu sheegtay in bilihii lasoo dhaafay ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qaaday silislado weeraro abaabulan, oo ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ku xaqiijisay guulo muhiim ah, lagana yaabo in dagaalkeeda uu dhalo iney si fudud kula wareegto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida warbixinta lagu sheegay, Dowladda Federaalka ayaa sanadkii 2022-ka, waxay ku dhawaaqday xamlo milliteri oo ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoo taageero ka heleysa ciidamada Shisheeyaha iyo diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, laakiin xamladu kuma guuleysan iney ilaashato hadal-heynteeda ay soo hooysay maalmihii hore ee dagaalka, wax welibana waxay u muuqdaan kuwa dib isku soo celiyay, sida warbixinta lagu sheegay.

“ Istiraatiijiaydda dagaal ee Dowladda Federaalka ayaa gebi ahaanba burburtay bishii Febraayo sanadkan 2025-ka, kadib markii Xarakada Al-Shabaab soo qaaday weerar hillaaca oo kale ah, iyadoo adeegsaneysa xeelado milliteri oo ay kamid tahay weerarada tooska ah, iyo qaraxyada gawaarida lagu soo raro” ayay leedahay warbixinta uu baahiyay kanaalka War Fronts.

Mid kamid ah weeraradii ugu saameynta badnaa ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab fuliso waa weerarkii Aadan Yabaal ee dhacay bishii April, kaasoo ay warbixintu ku tilmaamtay inuu ahaa mid cagta lagu mariyay kumanaan askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka, laguna jaray wadadii xiriirineysay Muqdisho iyo furimaha Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

“ Hadda Muqdisho waa mid go’doosan, Al-Shabaab waxay adeegsanayaan istiraatiijiyad aan degdeg ku saleysaneyn hase ahaate halis badan, iyagoo Muqdisho u joogteeyay weerarada duqeymaha ah iyo qaraxyada, dhanka kalena jaray wadooyinka gurmadka ee magaalada” ayay leedahay warbixinta cusub.

“ Kani maahan oo keliya go’doominta hubka iyo dadka, balse waa waa go’doomin xaga maskaxda ah, waxay doonayaan iney magaalada gudaha ka jebiyaan, kahor inta aaney albaabadeeda xoog ku gelin” ayay sii raacineysa warbixinta.

Sida ay warbixintu tilmaameyso, Xarakada Al-Shabaab waxay si xeelad iyo feejignaan leh u fulineysaa istiraajiyadeeda, hada waxay billowday iney beegsato xarumaha ciidamada lagu diiwaan geliyo, duqeymaha waxay ku daadanayaan Muqdisho, kolonyadii madaxweynaha ayaa weerar lala beegsaday.

Dhinaca ciidamada Dowladda Federaalka ayay warbixintu tilmaameysaa iney gebi ahaanba burbureen, sababo ku aadan musuqmaasuqa ku dhex baahay iyo iyagoo aan heysanin maalgelin rasmi ah, waxayna ku tilmaamtay inaaney xitaa awoodin iney dib ugu laabtaan goobihii lagala wareegay ee muhiimka ahaa.

“ Go’doominta Muqdisho waxay sababtay burbur jamaaci ah oo xaga nafsiga ah oo gaaray ciidanka, sababo ku aadan ciidamada iyo masuuliyiinta oo kasoo firxaday furimaha, waxay Dowladda Federaalka mareysaa halkii ugu hooseysay niyad jabka intii ay jirtay, ciidanka badankoodna waxay dagaalka ka door bidayaan iney dalka dibadiisa u baxsadaan oo ay duulaan” ayay leedahay warbixinta uu baahiyay kanaalka War Fronts.

Dhinaca dowladaha Shisheeyaha ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya, waxay warbixintu tilmaameysaa iney u jeedaan xaaladda iney ku socoto si aan u wanaagsaneyn Dowladda Federaalka, laakiin waxay ka badin la’yihiin inta ay xilligan qabteen oo ay kamid tahay duqeymaha, “ inkastoo dowlad weliba is dib dhigeyso, hadana majirto cid ku faraxsan in wixii Kaabul ka dhacay markale la arko” ayay leedahay warbixinta.

Marka laga hadlayo siinaariyoohaatka la filayo waxaa kamid ah sida ay warbixintu tilmaameyso, iney guuleysato istiraatiijiyadda Al-Shabaab ee la xiriirta in Muqdisho gudaha laga fufuro, taasina ay keeneyso in si fudud oo dhibyar ay dagaalyahannada Al-Shabaab uga galaan albaabada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Warbixintan lagu baahiyay kanaalka War Fronts ee ka faallooda arimaha dagaallada iyo dalalka ay colaaduhu ka jiraan ayaa ku biireysa, warbixinno kala duwan oo waayadii lasoo dhaafay baahinayeen warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa gobolka, kuwaasoo dhamaantooda isku raacay suurtogalnimada in mardhow la arko iyadoo Muqdisho ay ka talineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.