Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen dudaha degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa gudaha degmada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayay howlgalkaan ku khaarajiyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka ay ku dhaawaceen mid kale.
Degmada Afgooye waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay, howlgallo qorsheysan iyo qaraxyo lagu dilay saraakiil iyo askar katirsan Dowladda Fedaraalka.